cabqari C. ah: qof aad u caqli badan oo u aragtidheer.
cabqarinnimo Cabqari ahaansho.
cabsad ld cabsasho.
cabsan Wax sakhraamay ahaansho.
cabsanaan eeg cabsan. ld cabsanaansho.
cabsanaansho ld cabsanaan.
cabsasho eeg cabso. ld cabsad, cabsi, cabsood.
cabsi Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
cabsigeli Nafley cabsi ku abuurid.
cabsigelin eeg cabsigeli.
cabsii Nafley cabsi ku abuurid.
cabsii1 Biyo, caano iwm nafley af ka siin. cabsiin eeg cabsii. ld cabsiis.
cabsiin1 eeg cabsii. cabsiis ld cabsiin.
cabso Ka c.: cabsi dareemid. ld cabsoo.
cabsoo ld cabso.
cabsood ld cabsasho.
cad 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
cad1 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin. cad2 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa. cadaab1 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad. cadaab2 1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid. cadaabid eeg cadaab².
cadaad (cadaad, m.dh) 1. Geed, qodxo yaryar oo qaroofan iyo xabag macaan oo la cuno leh. 2. Xiddigga lixaha ka dambeeya.
cadaadi Qof ciriiri gelin, dhibid.
cadaadin eeg cadaadi. ld cadaadis¹ (3).
cadaadis1 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin. cadaadis2 (fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C). cadaadis3 (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
page : 13 of 95
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>