taqdiimad ld taqdiin.
taqdiin Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. ld taqdiimad.
taqi T. ah: qof Ilaah cabsidii u go'doo-ma.
taqliid1 ld taqliidid. taqliid2 Cid wax ay samaysay ku dayasho. taqliidid eeg taqliid². ld taqliid¹.
taqliin ld talqiin.
taqraar1 ld tiqraar¹. taqraar2 ld tiqraar². taqraaran ld tiqraa-ran.
taqraarid ld tiqraarid.
taqraarnaan ld tiqraarnaan.
taqraarnaansho ld tiqraarnaan.
taqsiin 1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.
taqsiinasho eeg taqsiino.
taqsiino In yar oo tubaako ama qaat ah ruugid (qof).
taqtaq1 1. ld taqtaqid. Badbadidda ay soortu badbaddo marka la karinaayo. 2. T. ah: soor jilicsan oo aan weli bislaan. taqtaq2 Soor karaysa badbadid. taqtaqid eeg taqtaq². ld taqtaq¹ (1).
taqwad 1. Nooc shabaagta mallayga lagu dabo mid ka mid ah. 2. Xoog; tabar. 3. ld taqwo.
taqwo Ilaah ka cabsi. ld taqwad (3).
tar1 1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. ld tarid. tar2 1. Magac xiddig; afqays. 2. Bow-do. tar3 1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin. taraabeesiyuus (c.nafl.) Muruq ballaaran oo qaabsaddex gees leh oo ku yaal surka intisa dambe iyo garabaka dhexdooda wuxuu, dhaqaajiya garbaha, surkana xagga dambe ayuu u qaadaa labada dhanba.
taraafiko Qayb ciidanka booliska ka tirsan oo qaabilsan nabadgelyada wad-dooyinka.
taraamantaana (juqr.) Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.
taraanturrayn eeg taraanturree. ld taraanturyayn, turaanturyayn.
taraanturree Horay u harbin, takhantakhayn. ld taraanturyee, turaanturyee.
taraanturro Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. ld turaanturro.
page : 21 of 60
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>