wareegaalaysasho eeg wareegaalayso. ld wareegaalaysi, wareegaysasho.
wareegaalaysi ld wareegaalaysasho.
wareegaalayso Dan la'aan meelo u socosho. ld wareegayso.
wareegacadde Ciyaar carruurtu ciyaarto iyagoo gacmaha iswada haysta oo isku wareegaalaysanayaa.
wareegacaddee 1. Dan la'aan u wareegid. 2. Wareegacadde samayn.
wareegacaddeyn eeg wareegacaddee.
wareegasho eeg wareego².
wareegaysasho ld wareegaalaysasho.
wareegayso ld wareegaalayso.
wareegid eeg wareeg². ld wareeg¹.
wareego1 Xoolaha nool ee colka duullaanka ahi sahay ahaan u wato. wareego2 Soo w.: halkaad joogtid ka tag oo meel kale u wareeg. wareegsan 1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
wareegsanaan eeg wareegsan. ld wareegsanaansho.
wareegsanaansho ld wareegsanaan.
wareegsasho eeg wareegso.
wareegso 1. Meel wax u beddelasho. 2. Ka w.: meel ama wax ka leexasho.
wareegto1 Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo. wareegto2 Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd. wareeji 1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
wareejin eeg wareeji. ld wareejis.
wareejis ld wareejin.
wareejisan Badar shiidan wax buunshada laga saaray ahaansho.
wareejisanaan eeg wareejisan. ld wareejisanaansho.
wareejisanaansho ld wareejisanaan.
wareemato Col yar oo intay si qarsoodi ah u baxaan wax soo burburiya amaba laaya; wareento.
wareemid eeg wareen². ld warmayn.
wareen1 Nabar ama dhaawac waran ama hooto. wareen2 1. Cid waran ama hooto ku dhufasho. 2. Xanuun si kedis ah cid u qabasho. ld warmee. wareento Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
page : 21 of 40
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>