wareeq (xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.
wareer1 Madax-xanuun; madaxwareer. wareer2 1. Cid madax-xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid. wareeri Cid wareer ku ridid.
wareerid eeg wareer².
wareerin eeg wareeri.
wareersan Wax wareeray ahaansho.
wareersanaan eeg wareersan. ld wareersanaansho.
wareersanaansho ld wareersanaan.
wareershe 1. Xarig jeegada iyo tuurinka isu haya oo neef geel ah oo ilmo lagu sidkayo lagu xiro. 2. Suuman la qurxiyey oo fardaha madaxa loo geliyo.
warfaafin Baahinta dadweynaha war loo baahiyo. ld warfidin.
warfi 1. Wax inta gacanta lagu qabto wareejin. 2. Wax tuurid.
warfid eeg waraf². ld werfid.
warfidin ld warfaafin.
warfidiyeen Dad wargeysyo qora.
warfin eeg warfi.
wargal W. ah: qof warkiisa lagu kalsoonaan karo.
wargalnimo Wargal ahaansho.
wargee U w.: war cid kale u tebin ama gaarsiin.
wargeeye Qof diradiraalow ah.
wargeli Cid war aysan horay u hayn gaarsiin ama u sheegid.
wargelin eeg wargeli.
wargeyn eeg wargee. ld wargeys.
wargeys 1. (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iwm oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal. 2. ld wargeyn.
wargur1 Hab raacatada soomaaliyeed ku dhaqanto kolka ay garramayso ama wada xaajoonaysa. Qof codkar ah ayaa hadba qofka hadlaya warkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqalsiiya, isagoo qeexan oo quruxsan u sheegaya. ld wargurid. wargur2 Cid hadlaysa si loo maqashiiyo ama loo ogeysiiyo in lala socdo warkiisa wuxuu yiraahdaba ka daba dhihid. wargure Cidda qof hadlaysa ama doodeysa warka ka koobisa.
wargurid eeg wargur². ld wargur¹.
warhayn eeg warhee.
warhee Ka w.: arrin iwm meesha ay mareyso la socosho. 2. Ka w.: cid dhaqaale u baahan taakulayn.
page : 22 of 40
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>