qalwis Q. ah: hilib iwm oo holac lagu dubay.
qalwo 1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.
qalyaro Qalka hoose ee afka nafleyda oo ka yaraada sidii caadiga ahayd.
qalyayax 1. Q. ah: qof dheer caato ah oo lafo waaweyn. 2. Lafo is haysta oo aan hilib lahayn.
qalyayaxsan 1. Wax lafo waawayn oo caato ah ahaansho (qof). 2. Lafo is haysta oo hiliibkii ka dhammaaday ahaansho.
qalyayaxsanaan eeg qalyayaxsan. ld qalyayaxsanaansho.
qalyayaxsanaansho ld qalyayaxsanaan.
qamaamid eeg qamaan².
qamaamud1 Isqarinta qof maro, maqaar iwm isku qariyo. qamaamud2 Maro, maqaar iwm isku qarin (qof). qamaamudan Wax is qamaamuday ahaansho (qof).
qamaamudid eeg qamaamud².
qamaamudnaan eeg qamaamudan. ld qamaamudnaansho.
qamaamudnaansho ld qamaamudnaan.
qamaan1 Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. qamaan2 Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. qamadi Badar bariiska u eg lana eg laakiin ka midab duwan oo la cuno.
qamandhaceysan Wax qamandhaco hayso ahaansho.
qamandhaceysnaan eeg qamandhaceysan. ld qamandhaceysnaansho.
qamandhaceysnaansho ld qamandhaceysnaan.
qamandhaco Qarqaryo jariirico wadata oo ku dhalata oogada marka ay dhaxan badan dareento.
qamandhacoo Qamandhaco dareemid.
qamandhacood eeg qamandhacoo.
qamanyuus Xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
qamarshiid1 Badar aan la xasharin oo la shiiday. qamarshiid2 Badar aan la xasharin shiidid. qamarshiidan Badar wax buunshaha lagu shiidey ahaansho.
qamarshiidid eeg qamarshiid².
qamarshiidnaan eeg qamarshiidan. ld qamarshiidnaansho.
qamarshiidnaansho ld qamarshiidnaan.
page : 26 of 86
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>