Ereyga Maanta: waddoohiye
qambarac  1. Ceeb weyn oo ka timaada fal xun ee uu qof sameeyey. 2. Jac.
qambaruur  1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. ld qambaruursasho.
qambaruursan  Qof ooyaaya wax wejigiisa tiiraanyo ka muuqata ahaansho.
qambaruursanaan  eeg qambaruursan. ld qambaruursanaansho.
qambaruursanaansho  ld qambaruursanaan.
qambaruursasho  eeg qambaruurso.
qambaruurso  Qof tiiraanyeysan hoos u ooyid.
qamboob1  (qamboob, m.dh) Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. ld qalfoon (2). qamboob2  Miro cagaaran oo dusha ku leh qodaxyo oo inta la dubo la cuno. qamiic1  Saluugmo yar. qamiic2  Ka q.: wax saluugid. qamiicid  eeg qamiic².
qamiicsan  Ka q.: qof wax saluugsan ahaansho.
qamiicsanaan  eeg qamiicsan. ld qamiicsanaansho.
qamiicsanaansho  ld qamiicsanaan.
qamiir1  ld khamiir¹. qamiir2  ld khamiir². qamiiri  ld khamiiri.
qamiirid  ld khamiirid.
qamiirin  ld khamiirin.
qamiirsan  ld khamiirsan.
qamiirsanaan  ld khamiirsanaan.
qamiirsanaansho  ld khamiirsanaan.
qamiirsasho  ld khamiirsasho.
qamiirsi  ld khamiirsi.
qamiirso  ld khamiirso.
qamir1  Q. ah: badar yar oo ceeriin ah. qamir2  Badar ceeriin ku cunid (qof). qamirid  eeg qamir².
qamis1  Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.
page : 27 of 86
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>