Ereyga Maanta: waddoohiye
qamuursan  Wax la deday ahaansho.
qamuursanaan  eeg qamuursan. ld qamuursanaansho.
qamuursanaansho  ld qamuursanaan.
qan  Jurmi.
qanaan1  Q. ah: nafley madax-adag oo aan la hoggaamin karin. qanaan2  Dabada gammaanka iyo lo'da. qanaani  Dabo kor u taagid (xoolo).
qanaanin  eeg qanaani.
qanaat  (juqr.) Sida Iiraan looga yaqaan, waa marin biyood dhulka ka hooseeya oo biyaha waraabka ka soo qaada buuraha roobku ku badanyahay geeyana dhulalka qallalan ee ka hooseeya. Marinka qanaatka waxaa laga arki karaa hawada, maxaa yeelay waxaa jira daloollo wareegsan oo in isu jir-jira oo u eg karaytarro yar-yar. Qanaatka waxay isleeyihiin foggaaraha woqooyiga Afrika.
qanabee  Awr qooqan isaga oo madaxa laalaadinaya, daamankana isla dhacaya ordid. ld gamlee.
qanabeyn  eeg qanabee.
qanabo  Orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
qanac1  1. Raalliggelin, maqsuudin. 2. Kadhaadhicin, aaminaad. 3. Q. badan: qof wax yar ku qanca. qanac2  1. Qof arrin ama wax kale raali ku noqosho. 2. Wax ka quusasho. qanacsan  1. Cid, wax raali ku ah ahaansho. 2. Cid, wax ka quusatay ahaan.
qanacsanaan  eeg qanacsan. ld qanacsanaansho.
qanacsanaansho  ld qanacsanaan.
qanax  Q. ah: qalab bir, qori iwm ka sameysan oo duugoobay ama khalkhalay.
qanci  Cid raalli ka dhigid.
qancid  eeg qanac².
qancin  eeg qanci. ld qancis.
qancis  ld qancin.
qandac1  Q. ah: wax kuleylkoodu yar yahay. qandac2  Wax in yar kululaaday noqosho. qandacsan  Wax qandacay ahaansho.
qandacsanaan  eeg qandacsan. ld qandacsanaansho.
qandacsanaansho  ld qandacsanaan.
qandacsasho  eeg qandacso. ld qandacsi.
qandacsi  ld qandacsasho.
qandacso  Wax in yar kululeysasho.
page : 29 of 86
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>