Ereyga Maanta: waddoohiye
qandicin  eeg qandici. ld qandicis.
qandicis  ld qandicin.
qandiir1  Wax kulkoodu yaryahay. qandiir2  Wax in yar kululaansho. qandiiri  Wax in yar kululayn.
qandiirid  eeg qandiir².
qandiirin  eeg qandiiri.
qandood1  ld gandood¹, qandoodid. qandood2  Nafley si is-hoggaamis u istaagid. ld gandood². qandoodid  eeg qandood². ld gandood¹, gandoodid, qandood¹.
qanduur  Siil.
qaneecaad1  Khayr; wanaag; barako. ld caneeqaad, qaneeco. qaneecaad2  1. Wax barako yeelasho. 2. Ku q.: wax ku liibaanid. ld caneeqaad². qaneecaadid  eeg qaneecaad². ld caneeqaadid.
qaneeco  ld qaneecaad¹.
qani  Q. ah: qof maalqabeen ah.
qaniimad  1. Hanti badan. 2. Maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda. ld qaniimo.
qaniimeysad  ld qaniimeysasho.
qaniimeysasho  eeg qaniimeyso. ld qaniimeysad, qaniimeysi.
qaniimeysi  ld qaniimeysasho.
qaniimeyso  Hanti gaalo ka qabsasho, kaddib markii dagaal lagu jebiyay.
qaniimo  ld qaniimad.
qaniin1  Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iwm. qaniin2  1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid. qaniinid  eeg qaniin².
qaniinsii  1. Nafley afka wax u gelin si uu u qaniino. 2. Cid isku dirid.
qaniinsiin  eeg qaniinsii.
qaniinyo  Ilkaha oo si xoog leh wax loogu qabto.
qaninnimo  Qani ahaansho.
qanjaaful  1. Ciddida inteeda dheer oo ka baxda qoobka labaraaflaha iyo gammaanka. 2. Alaabta lagu dhaqmo marka ay duug noqoto. ld qajaaful.
page : 31 of 86
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>