jihaysiin ld jahaysiin.
jihaysnaan ld jahaysnaan.
jihaysnaansho ld jahaysnaan.
jihayso ld jahayso.
jihee ld jahee.
jiheeye Aalad muujisa jahooyinka; diirad.
jiho1 ld jaho¹. jiho2 ld jaho². jiib 1. Hoorinta iyo isla qaadidda heesaha cayaaraha. 2. Cayaar gaar ah.
jiibe Marxaladda shilintu ka baxdo qaniinnimada.
jiibi Jiib tirin.
jiibin eeg jiibi.
jiic (jiic, m.dh) (bot.) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
jiid 1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.
jiid-kubbadeed (xis.) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.
jiidad ld jiidasho.
jiidan1 Wax la jiidey noqosho. jiidan2 Wax la jiidey ahaansho. jiidasho eeg jiido. ld jiidad.
jiidda-dhexe (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
jiide 1. Bir ama xarig laba wax layskula xiro si ay isu jiidaan. 2. Foolasha yaryar ee hoose oo xaya-waanka.
jiidid eeg jiid. ld jiidis.
jiidis ld jiidid.
jiidmid eeg jiidan¹.
jiidnaan eeg jiidan². ld jiidnaansho.
jiidnaansho ld jiidnaan.
jiido1 (c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul. jiido2 1. Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho. jiif1 1. Dhinaca oo dhulka la dhigo si loo nasto; Hurdo; seexad. 2. Dhacdiid ama dhabbac ama dhinac loo yaal. 3. ld jiifid. jiif2 Si loo nasto dhinaca dhulka dhigid.
page : 32 of 53
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>