Ereyga Maanta: waddoohiye
qanjad  Doonni baqalka ka yar oo hore u dhuuban gadaalna u ballaaran.
qanjaruufasho  eeg qanjaruufo². ld qandhuufasho.
qanjaruufo1  ld qandhuufo¹. qanjaruufo2  ld qandhuufo². qanje  Cudur ariga ku dhaca oo markiiba dila. ld qanjo.
qanjidh  (c.nafl.) Organ soo saara walxo si uu u dhiijiyo. Qanjidhku wuxuu noqon karaa mid weyn, tusaale ahaan: beerka, ama wuxuu noqon karaa mid yar; qanjidh dhidid. ld qanjir.
qanjidh taymas  Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
qanjidh-dhidid  (c.nafl.) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
qanjidh-kelyood  (c.nafl.) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la'oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula'ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.
qanjidh-marinla'  (c.nafl.) Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah qanjidhada marinkala'waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.
qanjidh-marinleh  (c.nafl.) Qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.
qanjidh-tarmeed  (c.nafl.) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
qanjidhka tayroydh  (c.nafl.) Qanjidh marinla'oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.
qanjiiri  Wax si xoog leh u qandhuufasho.
qanjiirin  eeg qanjiiri.
qanjiiro  Qandhuufo.
qanjir1  1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay. 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn. 3. ld qanjirid. ld qanjidh. qanjir2  Badar siiba digir karis xumo awgeed bislaan waayid. qanjir-bituwitary  (c.nafl.) Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal “hypothalamus-ka” hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.
qanjir-borosteyd  (c.nafl.) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.
qanjir-kelyood  (c.nafl.) Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.
qanjir-liinfeed  (c.nafl.) Qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.
qanjirabarar  ld qanjirbarar.
qanjirbarar1  Qanjirka oo jirro awgeed barara. ld qanjirabarar. qanjirbarar2  (daaw.) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan. qanjirid  eeg qanjir². ld qanjir¹ (3).
qanjirsan  Badar si xun loo kariyay wax kala bislaaday ahaansho.
qanjirsanaan  eeg qanjirsan. ld qanjirsanaansho.
qanjirsanaansho  ld qanjirsanaan.
qanjo  ld qanje.
page : 32 of 86
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>