qanjoofil Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo.
qanjool Geed gaab xeebaha bari ka baxa oo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan leh oo daashashka lagu dedo.
qansax (qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.
qanshiir Daan.
qanweyn Wax jurmi weyn leh ahaansho.
qanweynaan eeg qanweyn. ld qanweynaansho.
qanweynaansho ld qanweynaan.
qanyar Wax jurmi yar ahaansho.
qanyaraan eeg qanyar. ld qanyaraansho.
qanyaraansho ld qanyaraan.
qaqaan ld qaanqaanni.
qaqabow ld qabqabow.
qaqashaaf Wax la waayey dhowr meel ka raadraadin.
qaqashaafid eeg qaqashaaf.
qar1 1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan. qar2 (juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad. qar-iskatuur Naftihallig. ld jar-iskatuur.
qar-iskatuurnimo Naftihallig ahaansho. ld jar-iskaxoornimo.
qar-iskaxoor ld jar-iskatuur.
qar-iskaxoornimo ld jar-iskaxoornimo.
qaraab1 1. Miro, xabag iwm. oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iwm aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado. qaraab2 Soo q.: 1. Miro, xabag iwm duur ka doonid. 2. hunguri, lacag iwm la shaqaysan meelo ka shaxaadid. qaraabaggoo Qaraabo, daryeelid la'aan.
qaraabaggooyn eeg qaraabaggoo. ld qaraabaggooys.
qaraabaggooys 1. Q. ah: qof aan qaraabadiisa daryeelin. 2. ld qaraabaggooyn.
qaraabakiil1 Eexasho qaraabannimo awgeed loo sameeyo. ld karaabakiil¹, qaraabakiilid. qaraabakiil2 Cid qaraabannimo awgeed ugu eexasho. qaraabakiilid eeg qaraabakiil². ld qaraabakiil¹, karaabakiil¹.
qaraabaqansax Qaraabannimo aan dhaweyn.
qaraabasho eeg qaraabo².
page : 33 of 86
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>