suuqad
(m.dh)Waxyaabo dahab, qalin iwm ka samaysan oo dumarku isku qurxiyaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suuqad ↴
luqundhejis [m.l] (-syo, m.dh)
Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
siyaakhad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iwm oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
suuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Meel si joogto ah la isugu yimaad oo alaabta iyo waxyaalaha ganacsiga ah lagu kala beddesho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg