Cayaaraha
()

eeg Cayaar ciyaar

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Cayaaraha

waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.

cayaartoy [m.l]
(cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. ld ciyaartoy¹.

cayaartoy [m.dh]
1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iwm. ld ciyaartoy².

cuud [m.l]
1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.

dhaanto [m.dh]
Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.

falaas [m.l]
1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.

hoobal [m.l] (-llo, m.dh)
1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.

jiib [m.l]
1. Hoorinta iyo isla qaadidda heesaha cayaaraha. 2. Cayaar gaar ah.

koob [m.l] (-bab, m.l)
1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iwm oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha.

maddooyamaddooyo [m.dh]
Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg