aale
(m.l)Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aale ↴
gaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Cid gaal ka dhigid.
jaajaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaalee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajaaleyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaajaaleyn.
laancigaaleed [m.dh]
Qalab waayihii hore lagu dagaalami jirey oo inta dhagax la geliyo laga tuuro.
maaleeyo [m.dh]
1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.
oodaale [m.l]
Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
ookiyaale [m.l] (-llo, m.dh)
Muraayad indhaha la gashado oo araggu ku saacido ama qorraxda laga gashado.
ooryowalaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Labo nin ooryowalaal ka dhigid.
aa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld baa.
aa [mu.dhm.y]
1. ld Aad. 2. ld aydin.
aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.