abbaar
(m.l)1. Meel ku aadkeeda. 2. ld abbaarid.
abbaar
(m.dh)Hadal, arrin iwm sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tus. “Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.”
abbaar
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abbaar ↴
maala-abbaar [m.l]
Mala'awal.
nabas [m.dh]
1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.
raadar [m.l] (-rro, m.dh)
(fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib mar-kii ay abbaareen walaxda socotay.
waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.
xabbaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.
xabbaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xoolo la soo dhacay qaybin.
xabbaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabbaar².