abbaaran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)

1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan noqosho.

abbaaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan ahaansho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abbaaran

nabas [m.dh]
1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.

abbaarmid [m.f.dh]
eeg abbaaran¹.

abbaarnaan [m.f.dh]
eeg abbaaran². ld abbaarnaansho.

afartanaad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. (t.j) Tirada heerka afartanka ku abbaaran. 2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka billawda afartamaadka dabshidka. ld afartamaad.

dhex [m.dh]
1. Laba wax ama laba meelood kala barkood; bartan. 2. Inta u dhexeysa qaarka hore iyo qaarka dambe (nafley); sabar. dhexaad s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.

gol [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.

itaal iftiimeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.

itaal-danabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).

abbaar [m.l]
1. Meel ku aadkeeda. 2. ld abbaarid.

abbaar [m.dh]
Hadal, arrin iwm sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tus. “Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.”

abbaar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg