abyin
(m.l) (-nno, m.dh)(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abyin ↴
abyineed aan hubnayn [m.l]
(xis.) Abyanka aan hubanayn ee fansaarka f(x) waa fansaar F(x) oo diiranihiisu leegyahay f(x). Waxa kale oo loo yaqaan lidka diirane; abyineed.
abyineed huban [m.l]
eeg abyan huban.
abyin-jeexeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(xis.) Hab lagu sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx = uv - v (du)dx, oo loo adeegsan karo qiimeynta abyinka ee taran.
kalkulas [m.dh]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto xigidda iyo abyinaynta fansaarada iyo mawaadiicda la xiriira. Waxaana loo qaybiyaa kalkulas abyineed iyo kalkulas xigsinayd.
kalkulas-abyineed [m.dh]
(xis.) Qayb ka mid ah kalkulaska ee lagu barto abyinaynta iyo adeegsigiisa. Waxa lagu dabaqaa raadinta bededka, mugagga, dhererrada xoodka ama furfurista xigsineed.