adaadi
(m.l)

Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adaadi

adaadixid [m.f.dh]
eeg adaadax².

cadaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof ciriiri gelin, dhibid.

cadaadin [m.f.dh]
eeg cadaadi. ld cadaadis¹ (3).

cadaadis [m.l]
1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin.

cadaadis [m.l]
(fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).

cadaadis [m.l]
(siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.

cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.

cadaadis-ekeeye [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.

cadaadis-gibileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.

adaa [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa' 1.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg