addin
(m.l) (-immo/-inno, m.dh)1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid.
addin
(m.l) (-imo, m.dh)1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
addin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-imay, -intay; -imi)ld aadaan² (1).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh addin ↴
aaddin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aaddi. ld aadin, aadsiin. aadin, aadsiin
baabbacee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa
dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef
geel).
baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab.
2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu
labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab
nabdaaddin [m.dh]
ld nabdaaddiyid.
tacaddin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld tacaddiyid.
abeesalugaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
addimid [m.f.dh]
eeg addin². ld addimaad, addin¹.