adeegsasho
(m.f.dh)eeg adeegso. ld adeegsad, adeegsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adeegsasho ↴
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
adeegsad [m.f.dh]
ld adeegsasho.
adeegsi [m.l]
ld adeegsasho.
dhaqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.
dirso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax adeegsasho. Tus. “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tus. “Cumar baa shaah dalbaday”.
halqabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.
isticmaal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Wax adeegsasho.
kaasho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-shaday, -shatay)
Hawl wax u adeegsasho.
koor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.