adiga
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)

Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). ld adi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adiga

adi [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld adiga.

annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

magacuyaal [m.l] (-llo, m.dh)
(nax.) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iwm), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).

xuluulo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3]
(xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg