adkee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-keeyay, -kaysay)

1. Wax adag ka dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u dhuujin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adkee

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

udub [m.l] (-dbo, m.l)
1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.

udubdhexaad [m.l] (-do/-dyo, m.dh)
Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.

adkayn [m.f.dh]
eeg adkee.

adkaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la adkeeyay ahaansho.

aslan [Falkaab | Adverb]
Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus. “Aslanba ha iga qaadin buugga”.

budaddar [m.l]
Adkaynta soor lagu adkeeyo budo.

cayn [m.l] (-yman, m.l)
1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.

dhidban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg