asaay
(m.dh)Dhar midab cad ama madow leh oo afadu qaadato marka ninkeedu dhinto; weer. ld asay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh asaay ↴
asaaye [m.l]
Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
asaayo [m.l]
ld asaaye.
asaaysaar [m.l]
Afo ninkeedii dhintay oo asaay loo saaro.
asaaysaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Afo ninkeedu dhintay asaay u saarid.
asaaysaarid [m.f.dh]
eeg asaaysaar².
asay [m.dh]
ld asaay.
basaay [m.l]
Toogasho meel fog ah.
wasaayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dardaaran qoran. 2. Wakiilashada cid la wakiisho. ld wisaayad.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg