cag
(m.dh) (-go, m.l)1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cag ↴
aa' [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-'ay, -'day)
1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.
caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis
jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaamee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
kaafuur [m.l]
1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran-yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
laac [m.l]
Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laamallooye [m.l]
(bot.) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.
Cagidiiba []
Markiiba. judhiiba
raad [m.l] (-dad, m.l)
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.