cagaag
(m.l)1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid.
cagaag
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)Cagaag dareemid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cagaag ↴
cagaagan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax aan kabo haysan ahaansho.
cagaagid [m.f.dh]
eeg cagaag². ld cagaag¹ (4).
cagaagnaan [m.f.dh]
eeg cagaagan. ld cagaagnaansho.
cagaagnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld cagaagnaan.
cagaagsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax cagaag hayo ahaansho.
cagaagsanaan [m.f.dh]
eeg cagaagsan. ld cagaagsanaansho.
cagaagsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld cagaagsanaan.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg