cagaaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax cagaartay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cagaaran ↴
kaafuur [m.l]
1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran-yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
laac [m.l]
Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laamallooye [m.l]
(bot.) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.
cagaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
cagaarnaan [m.f.dh]
eeg cagaaran. ld cagaarnaansho.
ciin [m.l]
Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo.
dheefsade [m.l] (-ayaal, m.l)
(baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
dhiirfin [m.l]
Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
diirfin [m.l]
Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
cagaar [m.l]
1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.