cagajiid
(m.l)

1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹.

cagajiid
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cagajiid

caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis

udullub [m.l]
Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso.

udullub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.

xaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qof socod cagajiid ah socosho.

xagaafi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Si cagajiid ah u socosho.

bal [Erey Dareen | Exclamation]
1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tus. “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.

cagajiidid [m.f.dh]
eeg cagajiid². ld cagajiid¹ (3), ciddijiidid.

cagajiidnimo [m.dh]
Cagajiid ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg