calool
(m.dh) (-lo, m.l)1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh calool ↴
daacaqurun [m.l]
Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. dacwashiir
daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo
daacuun-calooleed [m.l]
ld daacuun¹. daacuun
daacuuncaloolo [m.l]
ld daacuun¹. daacuun
urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
uurweynaad [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.
bawaasiir [m.dh] (-rro, m.dh)
(daaw.) Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa waxa keena calool joogsi muddo dheer socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir, baawasiir.
bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
boogcalooleed [m.dh] (-dyo, m.dh)
Nabar caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.