can
(m.l)(caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh can ↴
ibagorayo [m.dh]
Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.
daafi [m.dh]
Nooc ka mid ah badarka oo aad u yaryar, canjeeladana laga sameeyo.
ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
jaarri [m.l]
Muran iyo canaad isku jira.
jaarri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Muran iyo canaad isku jira muujin.
maanacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Wax la mamnuucay ahaansho.
naas [m.l] (-so, m.l)
1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
oodkacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).
raaracan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cmay, -cantay)
ld raa-racsan¹.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.