cayn
(m.l) (-yman, m.l)

1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.

cayn
(m.dh)

1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad.

cayn
(m.dh)

(nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cayn

baabbacayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baabbacee. ld baabbacays, baabbaco (2). baabbacee, baabbacays, baabbaco

tabcayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tabcee.

wadaage [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).

yacaynaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.

yacaynaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld yacaynaan.

bucabbucayn [m.dh]
ld buhabbuhayn.

bucayn [m.dh]
ld bugayn.

caashaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel wejigooda ku aaddin.

caycaynimo [m.dh]
Caycay ahaansho.

caymi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg