cir
(m.l)1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.
cir
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)(c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cir ↴
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
ibajiiqo [m.dh]
Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska
baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id
baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
da' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -di'i)
1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. hoore
baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid.
2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal
tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda
ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin.
4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay
waxyeeleyn.
edeg [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.
ibayaro [m.dh]
Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato
raadgoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
1. Raad-gooyo samayn. 2. Wax cirib tirid.
raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.