ciyid
(m.f.dh)eeg ci'².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciyid ↴
olol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid.
uubatee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
banaaxi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Lo'barwaaqo joogto ciyid. ld bunaaxi², bunnaahi².
danan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
1. Faras ciyid. 2. Dawan, lacag qaddaaddiic ah iwm sanqarid.
hinraag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof aad u jirran cod weyn soo saarid. 2. Libaax ciyid. ld hiinraag².
maraaciyid [m.f.dh]
eeg maraaci². ld maraaci¹.
mirir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rdhay, -rirtay)
1. Bir mirir yeelasho. 2. Ri'ilmeheeda wayday ciyid.
qalaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Orgi qooqan ciyid.