cod
(m.l) (-dad, m.l)1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
cod
(m.l) (-dad, m.l)(nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cod ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
laaq [m.dh]
1. Wax isku qasan. 2. Cod dad oo meel dheer laga maqlo.
maalinsocod [m.l]
1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.
olkee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -keysay)
Hees iwm cod macaan oo dheer ku qaadid.
qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().
xabeeb [m.dh]
(daaw.) Codka dadka oo qeex-naantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.
yeer [m.dh]
Dhawaaq; cod.
afmaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. A. ah: maansayahan. 2. A. ah: qof codkar ah.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.