cub
(m.l)

1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹.

cub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Dalool yar gufeyn. ld cug².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cub

yucub [m.l]
(bot.) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.

cuban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). ld cugan¹.

cuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan².

cubasho [m.f.dh]
eeg cubo. ld cugasho.

cubbaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: qof hanti badan leh.

cubbaannimo [m.dh]
Cubbaan ahaansho.

cubcub [m.l]
1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹.

cubcub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub².

c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg