daalis
(m.dh)ld daalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daalis ↴
daalid [m.f.dh]
eeg daal². ld daalis.
indhaddaalis [m.l] (-byo, m.dh)
1. Marriin qurxoon oo lagu sameeyo rarada iwm. 2. Ujuuro la siiyo cid wax qortay ama wax akhriday.
jidaalis [m.dh]
ld jidaalid.
madaalis [m.l]
ld madaalin.
madaddaalis [m.l]
1. Maaweelinta cid la maaweeliyo. 2. ld madaddaalin.
daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
daal [m.l]
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.
daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
daal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.