daan
(m.l) (-aaman, m.l)Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
daan
(m.l) (-aaman, m.l)(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
daan
(m.dh) (-aamo, m.l)Webi, tog iwm labada dhinac midkood.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daan ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
gaadaan [m.l]
Qarqarsi. qarqarsi
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
daadduumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Feer, laad iwm cid dhulka la dhigid. ld daadduunsii, daanduumi, daanduunsii. daadduunsii, daanduumi, daanduunsii
daadduumid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daadduun². ld daanduumid. daadduun, daanduumid
daadduumin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daadduumi. ld daadduunsiin, daanduumin, daanduun- siin. daadduumi, daadduunsiin, daanduumin, daanduun- siin
daadduun [m.l]
Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹. daanduun
daadduun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Cayrnimo darteed la bayhoofid. ld daanduun². daanduun