dabool
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid.

dabool
(m.dh)

Gudin weyn.

dabool
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-oolay, -ooshay)

1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabool

ibadaboole [m.dh] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo

ibadaboolo [m.dh]
ld ibadaboole. ibadaboole

aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

ood [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

ugxanside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.

waagii barafka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afmaldah [m.l]
Hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.

dabo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.

dabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Ugaar, kalluun iwm dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg