daboolo
(m.dh)ld daboole.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daboolo ↴
ibadaboolo [m.dh]
ld ibadaboole. ibadaboole
barafayn [m.f.dh]
(jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
dabaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
daboole [m.l]
Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
ded [m.l]
1. ld dad 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid.
dhiil [m.l] (-lal, m.l)
Haruubka dhiisha lagu daboolo.
hagoog [m.dh] (-go, m.l)
1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.