dac
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dac ↴
laab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
daacaqurmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daacaqurun². ld dacwashiirid. daacaqurun, dacwashiirid
daacaqurun [m.l]
Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. dacwashiir
daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir
naasacelis [m.l] (-syo, m.l)
Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
oog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.
oogan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay noqosho.
oogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay ahaansho.
qaaddac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -dici)
1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
qaaddacaad [m.dh]
Go'aan wax lagu diido.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).