dacaree
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-reeyay, -raysay)

1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dacaree

dacarayn [m.f.dh]
eeg dacaree.

dacar [m.l]
Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.

dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg