dacaroo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)

Wax dacar hayso noqosho (cid).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dacaroo

qaalalyo [m.dh]
Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.

dacarood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg dacaroo.

dacar [m.l]
Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.

dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg