dadabso
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-saday, -satay)1. (f.g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dadabso ↴
dadabsasho [m.f.dh]
eeg dadabso. ld dadabsad, dadabsi.
dadab [m.l] (-byo, m.dh)
1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.
dadab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dbay, -dabtay; -dbi)
Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg