dadban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax la dadbay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dadban ↴
cirridbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.
dadbanaan [m.f.dh]
eeg dadban. ld dadbanaansho.
dadbanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dadbanaan.
dhaaddin [m.dh] (-imo, m.l)
Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaadhac [m.l]
1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹.
dhegnuugso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
War si dadban u dhegeysasho.
garabgoroyo [m.dh]
Si dadban oo laba qof oo dirireysa midkood loogu hiiliyo. ld garbaggoroy.
horyaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
hurdan [m.l]
Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco.