dahab
(m.l)

Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dahab

laasin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.

laasin [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-intay, -imatay; -imi)
1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.

saayaq [m.l] (-qiin, m.dh)
Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.

taaj [m.l] (-jaj, m.l)
Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.

baraas [m.l] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.

billad [m.dh] (-do, m.l)
Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iwm middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.

bulukaati [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.

buufbuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

caddadhuuni [m.dh]
Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.

dah [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-hay, -hday)
1. (f.g) Wax awdid. 2. (f.mg) Dhalasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg