dakano
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Godob, utun, dhagar. ld dakane.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dakano

aanee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-neeyay, -naysay)
1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka”.

aano [m.dh]
Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.

aar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.

aargud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. ld aargudo.

dakane [m.l]
ld dakano.

sagan [m.dh]
Godob, utun, aano, dakano.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg