dakhal
(m.l) (-llo, m.dh)1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dakhal ↴
barrad [m.dh]
1. Xarig ka mid ah xargaha waaweyn ee doonyaha. 2. Dakhalka meesha ugu sarreysa ee uu farmaanku ugu xiranyahay.
dummad [m.dh] (-do, m.l)
1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
kadankood [m.dh]
Meel dhulka ka yaraha sarreeysa oo dakhal ka hooseeyo.
neeqaab [m.l]
Qoriga dakhalku ku qotomo.
shiraac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. ld shiraaq.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg