dalaabid
(m.dh)1. ld dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dalaabid ↴
dagaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
dalow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid.
eyfaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Dhibaato culus awgeed la dalaabid. ld eynfaad².
habow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-baabay,-baabtay;-baabi)
1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.
hadaadun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Cayrnimo iyo gaajo darteed la dalaabid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg