dalaaq
(m.l)

ld dalaaqid.

dalaaq
(m.dh)

Erey lagu dhawaaqo marka qof dumar ah la furaayo. ld dalaaqo, dalqad.

dalaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)

Naag dalqaddeeda siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dalaaq

dalaaqid [m.f.dh]
eeg dalaaq³. ld dalaaq¹.

dalaaqo [m.dh]
ld dalaaq².

dalqad [m.dh] (-do, m.l)
ld dalaaq².

fur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.

furan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho.

xilafur [m.l]
1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq. 2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg