dalab
(m.l) (-byo, m.dh)Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab
(m.dh) (-lbo, m.l)Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lbay, -labtay; -lbi)Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dalab ↴
dalable [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-layaal, m.l/dh)
Qof hal lug dalab ku leh.
dalbid [m.f.dh]
eeg dalab³.
dalbo [m.l.w]
eeg dalab².
dalbo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-baday, -batay)
1. Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub).
jiil [m.l]
1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
qayladhaan [m.dh]
Dhawaaq kaalmo dalab ah oo cid loo jeediyo ama loogu digo. ld cilladhaan, qayladhaamo.
wagaafyo [m.l]
ld dalab².
dal [m.l] (-lal, m.l)
Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
dal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Harag rogob ka gurid.