daliig
(m.l)

1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.

daliig
(m.dh) (-go, m.l)

1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.

daliig
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daliig

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

areerin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.

daliigid [m.f.dh]
eeg daalig³. ld daliig¹.

daliigtin [m.dh] (-imo, m.l)
Summad jiitin ah oo ariga daanka looga dhigo.

dhoor [m.l] (-rar, m.l)
1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.

dhud [m.dh] (-do, m.l)
1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.

dhuub [m.l] (-bab, m.l)
1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iwm ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg